Maxay Mucaaradka Uganda u dalbanayaan in Ciidamadooda laga saaro Soomaaliya?

Kampala (PP) ─ Hogaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Dalka Uganda, Jen. Mugisha Muntu ayaa ka dalbaday dowladda Uganda inay ciidamadooda qaybta ka ah Hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya la soo saaro, si ay uga nabad-galaan weerarrada ay Kooxda Al-shabaab ku beegsanayso ciidamadooda iyo shacabkooda.

Hadalka Jen. Muntu ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkii hore ay Al-shabaab ku dilshay gudaha Soomaaliya 12 askari oo ka mid ah kuwa Uganda ee dalka Somalia u jooga hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Jeneraalka oo war-fidiyeenka kula hadlayay xarunta xisbiga ayuu sheegay in xukuumadda Uganda ciidamadeeda ay ku sugan yihiin Somalia waqti badan, isagoo xusay in dalalka kale ee afrika ay badalaan ciidamadoodana oo laga saaro Soomaaliya.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay ciidamada dalka Uganda oo lagu magcaaabo Richard Karemire ayaa isna sheegay in ciidamadii ku dhimatay weerarkii ay Al-shabaab ka fulisay gobolka Shabeellaha Hoose iyo kuwa dhaawac ahba ay qayb ka ahaayeen hadaf lagu difaacayo shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dalka Uganda ee la laayay ayaa waxaa lagu weeeraray deegaan u jira Muqdisho 140-km oo ku dhaw Buulo-mareer, waxaana weerarkaan lagu sheegay kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara ciidamada Uganda marka laga reebo weerarkii Janaale oo lagu dilay 20-askari in ku dhaw.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo mucaaradka waddanka Uganda oo mideysan ay dowladdooda ka dalbadaan inay ciidamadooda kasoo saarto Soomaaliya, halkaasoo ay ku sugnaayeen tan iyo sannadkii 2007-dii oo 10-sano laga joogo.

Puntlandpost