Muqdisho (PP) ─ Wasiirka dastuurka Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa raalli-gelin ka bixiyay hadal uu ku qoray bartiisan Twitter-ka, kaasoo isaga iyo Xildhibaanada ka dhex-abuurtay xiisad gaartay heer aad u xun.
Xoosh oo maanta hor-tagay Baarlamaanka Federaalka ayaa raalli-gelin ka bixiyay hadalkiisii, isagoo xusay in haddii uu ogaan lahaa meesha uu gaaray hadalkan uusan soo qori laheyn.
“Haddaan ogaan lahaa in heerkaas na gaarsiinayo hadalkaas ma soo qori lahayn, walaalayaal waxaan idin dhihi lahaa haddii hadalladii aan qoray ay xanaf qaarkiin idiin keentay inaad raali ka noqotaan, ujeedkayga ma ahayn inaan baarlamaanka u gafo,” ayuu wasiirku ku yiri hadalkii uu jeediyay.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in isaga iyo Baarlamaanka Somalia ay ka dhaxeyso wada-shaqeyn, wuxuuna tilmaamay mar Alle iyo marka ay u yeeraan uu u imaan doono, su’aalaha ay qabaan uga jawaabi doono.
Ugu dambeyn, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka aqbalay raalli-gelinta, iyagoo cafis u fidiyay Wasiirka Dastuurka, una fasaxay inuu shaqadiisa Qaran sii wato.
DAAWO Muuqaalka Khudbadii Wasiirka Dastuurka
Wasiirka Dastuurka Cabdi Raxman Xoosh Jibriil ayaa Barlamanka Hortiisa Raali galin uga bixay Qoraal uu dhawaan ku qoray Bartiisa Tweeterka kaasi oo uu ku dhaliilay Go'aanki Golaha Shacabka ay ku Diideen in dib loogu laabto 8 Kursi oo Maxkamada sare ay go'aamisay in Dib loogu laabto Doorashadooda.
Posted by Universal Somali TV on Saturday, August 5, 2017
Puntlandpost