Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada AMISOM Somalia ayaa la sheegay in ay qaadaceen qorshe xiliyada habbeenkii ah lagu hawlgalinayo garoonka diyaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.
Qorshahan ayaa la sheegayaa inuu diiday taliyaha ciidamada AMISOM ee ka howlgala garoonka Muqdisho, kaddib markii uu warqado diidmo ah geeyay xafiiska maareeyaha gaaroonka Muqdisho.
Taliyaha AMISOM qaybta garoonka oo is-hortaaga shaqada garoonka wada ayaa ciidamada ku amray in dhagax ku jaraan dhammaan albaabbada laga galo garoonka wixii ka danbeeya 4:30 galabnimo ee maalin walba.
Sidoo kale, Taliyahan ayaa diiday amar uu maareeyaha garoonka Muqdisho ku dalbanaayo in lagu furo qaar ka mid ah albaabada Garoonka ee dhagaxda lagu jaray si ay u maraan gaadiidka iyo dadka garoonka kasoo dagaya marka la gaaro galbihii.
Maareeyaha garoonka ayaa dhankiisa amar ku siiyay ciidamada dowladda ee ku sugan afafka garoonka in cagaf-cagafta garoonka lagu qaado dhammaan dhagaxda ay AMISOM ku jareen albaabada garoonka, waxaana talaabadaas ka bixiyay jawaab dhaqo ah AMISOM oo gaadiidkooda waa-weyn ku jartay albaabada garoonka laga galo iyo kuwa laga baxo.
Dhanka kale, AMISOM ayaa diiday inay sugto amniga garoonka mar la gaaro habeen, waxayna maamulka garoonka ku wargaliyeen inay sugaan amaanka Garoonka xiliyada habeenkii ah.
Tallaabadan ayaa noqonaysa fara-gelin toos ah oo ciidamada AMISOM ay ku fara-gelinayaan maamulka garoonka Aadan Cadde, waxaana xusid mudan in dowladda federaalka ay cabsi gaara ka qabto in AMISOM ay ku dhaqdo wuxuu sharciga qabo.
Ugu dambeyn, AMISOM ayaa sidan oo kale diidmo ka muujisay amaro kasoo baxay dowlada federaalka Somalia, waxaana xusid mudan in muddo hore ay gelitaanka garoonka u diideen Wasiirad Maryan Qaasim, taasoo buuq weyn dhalisay, inkastoo la xalliyay.
Puntlandpost