Al-shabaab oo soo bandhigtay Gaari ay ka soo qafaasheen Xisbiga Madaxweynaha Kenya

Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhgay gaari qayb ka ahaa ololaha doorashada madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo ay ka soo afduubeen dhawaan magalada Mandheera.

Gaarigan ayaa waxaa ku xardhan astaanta xisbiga Jubilee iyo Sawirrada madaxweyne Kenyatta, Waxaana sidoo kale ku qoran magaca musharax xildhibaan oo ka tirsan Isbaheysiga uu hogaamiyo Kenyatta.

Sidoo kale, gaariga ayaa maraya dhul kayn badan oo aan la sheegin halka uu yahay, waxaana dusha ka saaran xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ka soo Kenya, kuwaas oo xaqiijinaya in gaariga lagas oo afduubay dowladda Kenya.

Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab ayaa muuqaal ay baahiyeen ku sheegay in ay ku boorinayaan shacabka Kenya inay dagaal la galaan xukuumadooda xilli toddobaadkan ay dalkaas ka dhacayso doorashada guud ee Madaxnimada.

Ugu dabmeyn Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya madaxweynaha xilka haya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo markiisii afaraad xilkan u tartamaya.

Daawo Sawirrada:

Puntlandpost