Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliand oo Maanta is casilaya.

Wararka PUNTLAND POST ay ka heleeyso magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow uu is casilayo Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliand Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cirro.

Cabdi Raxmaan Cirro oo sidoo kalena ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadani oo kamid ah Sadexda Xisbi ee Maamulka iskiisa isku Magacaabay ee Somaliand.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Ciiro oo isku hor casili doono Golaha Wakiilada hortooda islamarkaasina uu ka aqrin doono warqadiisa istiqaalada.

Waxaa la balimayay oo maanta oo Arbaco ah la iclaamiyay kulan aan caadi aheyn oo xildhibaanada loogu baaqay in ay ka soo qeeybgalaan.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sababta uu xilkaasi isaga casilayo waxa ay tahay in uu u sharaxanyahay doorashada madaxtinimo ee Maamulka Soomaaliand.

Qaban qaabada iyo diyaargaroowga doorashada maamulka Somaliand ayaa laga dareemayaa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi Somaliand.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post