PP (Muqdisho): Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho oo ah waddo mashquul badan islamarkaasina gaadiidka iyo dadkuba ay isticmaalaan.
Qaraxa ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Midnimo Super Market.
Qaraxa ayaa geeystay khasaarooyin isugu jiro Dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan si rasmi hadda loo sheegi karin qasaaraha guud ee qaraxaasi maadama qaraxa uu goordhow dhacay.
Hoos ka Daawo Sawiro qaar kamid ah Qaraxa

Faah faahinta Qaraxa Dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho