Magaalada Hargaysa ee Caasimadda maamulka Somaliland waxaa lagu qabtay kulan ay kasoo qeyb galeen tiro Ajaanib ah iyo sidoo kale arday iyo aqoonyahano Soomaali ah waxaana looga hadlay mowduuc ku saabsan mutadawacnimada iyo Hormarka caalamiga.

Ugu horeyntii waxaa kulanka ka hadashay Mariane Vecchione oo ah Haweeney ka mid ah ajaanibta ka shaqeysa magaalada Hargeysa waxayna sheegtay in maamulka Somaaliland ay kala hadleen furitaanka Kaniisad Kaatoolig ah oo ay ku cibaadeestaan dadka Kirishtanka ah ee ku sugan magaalada Hargaysa, waxayna xaqiijisay in loo ogolaaday oo ay fureen
”Asalkeeygi hore waxaan Somaliland u imid howl mutadawacnimo ah waxayna ahayd dib furista Kaniisada Kaatooliga oo aan dib uga furnay Hargaysa taasoo xirnayd Sodonki sano ee la soo dhaafay” ayay tiri Mariane Vecchione.
Waxay kaloo sheegtay Vecchione in Somaliland ay xaqiiqsatay in ay muhiim u tahay dal ahaanshahooda in Kirishtaanka loo ogolaado madhabkooda Kaatooliga, islamrkaana dhawaan laga shaqo bilaabi doono.
Magaalada Hargaysa ayaa waxaa ku soo badanaya dadka ajaanibta ah kuwaasoo ku imaanaya qaabab kala duwan iyo howlo kala duwan,waxaana arinta furitaanka Kaniisada ka hor yimid Culimadda maamulka Somaliland.
Ugu Dambeeyntii waxaa xusid mudan in Dastuurka Soomaaliand uu qabo in aan diinta Islaamka diin aan aheyn lagu faafin karin Somaliland sida uu dhigayo Qodobka 5-aad ee Dastuurka Somaliland.

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post