Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibada dalka Hindiya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa booqasho ku tagaya todobaadyadda soo socda dalkaas.
Booqashadan ayaa la sheegay in ay qaadan doonto muddo labo cisho ah islamrkaana wafdiga ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiir Yuusuf Garaad ayaa marka hore booqan doona magaalada New Delhi, isagoo maalinta labaad tagi doono magaalada Mombay, halkaasoo uu ku sugnaan doono muddo laba maalmood ah, wuxuuna uga sii gudbi doonaa magaalada Soomaalida ay ku badan tahay ee Hyderabad.
Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya ayaa la kulmi doona dhigiisa dalka Hindiya Sushma Swaraj, wuxuuna kala hadli doonaa arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; maxaabiista Soomaaliyeed oo sannadaha badan ku xiran xabsiyada dalkaas.
Sidoo kale kulanka Labada wasiir ayaa la sheegay in lagu kala saxiixan doono heshiis dib loogu celinayo maxaabiista Soomaaliyeed ku xiran xabsiyada Hindiya, kuwaasoo dhawaanahan lagu jiray dadaallo loogu soo wareejinayo Soomaaliya.
Tirada maxaabista ku xiran dalka Hiniya ayaa lagu sheegay 118-maxbuus oo loo haysto falal burcadbadeednimo ah.
PUNTLAND POST