Safiirka Soomaliya ee UN-ka oo aan yeelan doonin wax Xasaanad ah

Sida uu daabacay Wargeyska  Alleastafrica Safiirka Soomaaliya ee UN, Abuukar Baale ayaa la sheegay in uusan yeelan doonin wax  xasaanad ah maadaama uu isticmalaayo baasaboorka Mareykanka, kadib markii dawladda Mareykanku ay ka hor timid in baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga aan dal-ku-gal lagu dhufan karin marba haddii uu safiirku haysto dhalasho Mareykan ah.

Wargeyska ayaa sheegay in Denjire Abuukar Baale oo haatan ku sugan dalka Mareykanka islamarkaana ah muwaadin haysta dhalashada dalkaas in uu ka walwalsan yahay arinkaan kusoo kordhay ee ku aadan in uusan laheyn wax xasaanad ah.

Waxaa kaloo Wargeyska uu sheegay in  madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka baaqday shir ka dhacayey gollaha Qaramada Midoobay ee New York  ee dalka Maryekanka kadib markii loo diiday in dal-ku-gal loo saaro baasaboorka Soomaaliga ee diblomaasiga ah maadaama laftiisu uu yahay muwaadin Mareykan ah, islamarkaana aan u suurta galaynin in uu helo dal-ku-gal.

Safiirka Soomaalia ee UN, Abuukar Baale ayaa dhowrkii bilood aynu soo dhaafnay ka howlgalayay Safaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka, kadib markii madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uu xilkaas u magacaabay.

Xigasho:- Alleastafrica

PUNTLAND POST