Digreeto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa ayaa xilkii looga qaaday Xog-hayihii KMG ahaa ee wasaaradaas Prof Yaxye Cali Ibraahim.
Wasiir Juxa ayaa shaqo joojinta uu ku sameeyay Xog-hayaha joogtada ee wasaarada arimaha Gudaha ku sheegay in ay tahay wada shaqeeyn xumo.

Dhanka kale Wasiir Juxa ayaa isla Maanta Xilkaasi u magacaabay Cabdulaahi Maxamuud Xasan, sida uu ku sheegay Digreeto ka soo baxday Wasiirka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho