Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee (NISA) ayaa Goordhaweyd gacanta ku dhigay gaari ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa oo kusoo jeeday gudaha Magaalda Muqdisho.
Gaarigaan ayaa lagu qabtay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in ragga saaran ay doonayeen in ay lasoo galaan gudaha magaalada si ay qaraxyo ugu fuliyaan.
Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Mr Ducaale ayaa u Sheegay Warbaahinta Dowlada in ciidamada amniga ay qabteen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaliya ay haatan ku wajahan yihiin deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, islamarkaana goobta lagu qarxin doono gaariga.
Dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay Ciidamada amaanka dowladda Soomaliya ayaa kordhiyay beegsiga gawaarida qaraxyo lagu soo dhex qarxiyo, oo Al-shabaab ay ka fuliyaan gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho