Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somalia Gen. Maxamed Axmed jimcaale(Cirfiid) oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay taliyaha guud ee ciidanka Masar Gen:Maxammed Xujaasi,waxayna si kawada hadleen xiriirka labada dhinac iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka Lagu jiro Al-Shabaab.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia Gen. Cirfiid ayaa ku dheeraaday dagaalka ciidanka Somalia iyo kuwa AMISOM ay kula jiraan Al-shabaab iyo guulaha ilaa iyo haatan laga gaaray,wuxuuna militariga Masar ka codsaday in ay ciidanka xoogga dalka Somalia ka caawiyaan Xasilinta Dalka.
Sidoo kale Taliyaha ciidanka Masar ayaa sheegay in Masar ay ku jirto dagaal lamid ah kan Somalia ayku jirto,kaasi oo ah cirib-tirka argagixisada,balse wuxuu xusay in militariga Masar ay kudhowyihiin in ay gebi ahaanba soo af-jaraan kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaalaysanaya Jasiiradda Sinai ee dalkaasi.
Taliyaha ciidanka Masar ayaa ballanqaaday in ay Somalia ka caawinayaan la dagaallanka argagixisada iyo sidoo kale taba-barka ciidanka,wuxuuna tilmaamay in iskaashiga militeri ee labada dal uu muhiim u yahay amniga gobolka iyo kan qaaradda Afrika.
Dowladda Masar oo khilaaf dhanka biyaha kala dhexeeyo Ethiopia ayaa doonaysa in ay galaan-gel ku yeelato gobolka Bariga Afrika,gaar ahaanna Somalia,dhinacyada militeriga iyo siyaasadda,si ay xulufo ugu yeelato geeska Afrika.
PUNTLAND POST