Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaabkii uu u dhacay weerar naxdin leh oo lagu qaaday gaari ay la socdeen dad isku qooys ahaa oo ganacsato ahaa oo lagu weeraray duleedka Muqdisho.
Qoyskan Ganacsatada ah ee la laayay ayaa ah qooys caan ah oo si weeyn looga yaqaano Magaalada Muqdisho waxaana lagu magacaabaa Reer Xaaji Gaaboow.
Dableey hubeeysan oo aan heeybtooda lagaran ayaa gaari ay wateen oo ahaa nooca looyaqaano Parado rasaas ooda kaga qaaday xili ay doonayeen in ay ka qeeybgalaan aaska haweeneey geeriyootay.
Caadil Xaaji Gaabow oo kamid ah qoyskaasi ay musiibadu ku dhacday oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in falkaasi uu ahaa mid aad u naxdin badnaa .
Waxa uu sheegay Caadil Xaaji Gaaboow in koox afka soo duubatay ay rasaaseen gaariga ay la socdeen qaar kamid ah qoosyka Reer Xaaji Gaaboow islamarkaasina ay halkaasi ku dileen .
“Haweeney caan ka aheyd degmada ayaa dhimatay aaskeeda ayay u raaceen deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho, sida ay ii sheegeen dad la socday gawaarida meydka ayaa ii sheegay in gaari lagu horgeeyay islamarkaana la rasaaseeyay, mid kamid oo aan abti u ahaa ayaa gaariga ka booday balse waa la dilay asna”, ayuu yiri Caadi Xaaji Gaabow oo kamid ah qoyska reer Xaaji Gaabow.
5 kamid ahaa qooyskaan Ganacsatada ahaa ayaa geeriyooday halka labo qof oo kale oo ay qaraabo dhow ahaayeena ay ku dhintay kuwaasi oo kamid ahaa dadka gaariga saarnaa.
Ciidamo katirsan kuwo dowlada ayaa goobtaasi gaaray oo howlgal ka sameeyay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho