Warbixin: Wadanka South Sudan oo 6 Sano Jirsaday

Wadanka Koonfurta Suudaan oo ah Wadanka ugu da’da yare dunida ayaa maanta 6 sano jirsaday, isaga oo maanta oo kale sanadkii 2011 xurnimadii ka qaatay Wadanka Suudaan.

Hogaamiyaal u xusul doobayay in Koonfurta Suudaan ay ka Go’do Suudaan ayaa  Maanta oo kale 9 July  Sanadkii 2011 Calanka Wadankaasi ka Taagay Magaalada Jubba oo hadda Caasimad u ah wadankaasi South Sudaan.

Wadanka Koonfurta Suudaan ayaa dhanka Woqooyi waxa uu xuduuda kala wadaagaa Wadanka Itoobiya , Dhanka Bari ayaa waxa uu xuduud kala wadaa Wadanka Kenya , dhanka Koonfur ayuu xuduud kala wadaagaa Wadanka Uganda.

Laba sano uun kadib markii Koonfurta Suudaan uu qaatay madaxbanaanidiisii ayaa waxaa ka qarxay magaalooyinka dalkaasi dagaal qabiileed aad u qasaare badnaa oo ilaa iyo hadda ka socdo dalkaasi.

Dagaalkaasi ayaa galaaftay nolosha dad aad u farabadan waxaana dagaalkaasi ku dhintay kumanaan dadka reer koonfurta Suudaan ah halka kuwo kalena ay ka barakaceen dalkaasi.

Salva Kiir Mayardit ayaa isla sanadkii 2011 noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee dalkaasi koonfurta Suudaan waxaana madaxweyne ku xigeen uu u doortay Riek Machar .

Mr Kiir iyo Mr Machar ayaa waxaa dhexmaray khilaafaad xoogaan oo ugu dambeeyntii sababtay in ay dagaalamaan.

Ha’adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in dhibaatooyin badan oo ka dhan ah bini aadamka ay ka dhacaan gudaha dalkaasi Koonfurta Suudaan.

Ugu dambeeyntii dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ku ganacsada Soomaali badan oo la kulmaya dhibaatooyin kala duwan waxaana saameeyay qala laasaha dalkaasi ka Jira.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post