Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada khaliijka ee uu khilaafka siyaasadeed uu kala dhaxeeyo wadanka Qatar oo shalay ku kulmay wadanka Masar ayaa waxa ay ka wada hadleyn waxa ay ka yeeli lahaayeen wadanka Qatar oo sida muuqata iska dhaga tiray qodabadii 13 ka ahaa ee ay hor dhigeyn wadamadaaasi.
Kulankan ayaa lagusoo beegay maalinta ay ku e kayd fursadii la siiyey Qatar in ay kagasoo jawaabto qodabada la hor dhigay oo ay kamid ahaayeen in ay albaabada iskugu laabaan muuqaal baahiyaha Al-Jazeera oo ay dowladdaasi maalgeliso iyo in ay xiriirka u jaran dalka Iran.
Qatar qodabaddaasi ku tilmaamtay wax aanan la aqbali karin iyagoo ku tilmaamay faragelin qaawan.
Hadaba waxa la is weydiinaya tilaabadda tan xigta oo ay qaadi doonan wadamada khaliijka, maadama sida ay sheegeyn Qatar ay ku guul dareesatay in ay joojiso taageerada waxa ay ku tilmaameyn argagixisada.
PUNTLAND POST