Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab in ay ku dagaalameen duleedka magaalada Kismaayo.
dagaalkaan ayaa yimid kadib markii dagaalyahanada Al-shabaab ay weerar qorshaysan ay ku qaadeen Ciidamada Maamulka Jubbaland ee ku sugan aaga Dalcad Lugoow ee duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Dagaalyahanada Al-shabaab waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan Saldhiga Ciidamada Jubba-land ee Dalcad Lugoow ee duleedka Magaalada Kismaayo.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca soo kala gaaray Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab waxana haatan dagan xaaladda Dalcad Lugoow ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada.
PUNTLAND POST