Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa war uu soo saarey ku sheegay isaga oo ku hadlaya magaca Dowladda Maraykanka in uu hambalyo u dirayo shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku sugan yihiin.
“…. Tan iyo markii aan imid Soomaaliya aniga oo noqdey safiirkii u horeeyey muddo 25 sano ah. Waxaan markhaanti u noqdey guulaha la yaabka leh ee dadka Soomaaliyeed sameeyeen ee dib u dhiska dalkooda. Inkasta oo ay barbarsocotey khatar badan sida Macaluul, weeraro ka imaanaya al-Shabaab, Dakhliga dowladda oo yar, Caddaaladda oo aan tabar weyn lahayn iyo kuwo kale…..” ayuu yiri Denjire Stephen Schwartz.
Warka ka soo baxay safiirka ayaa lagu sheegay in Dowladda Maraykanku aaminsan tahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi iyo Raysalwasaare Xasan Kheyre ay dhab ka tahay in ay dalka ku soo celiyaan nabad iyo dib u heshishiisiin, dadka Soomaaliyeedna dib ugu laabtaan shaqooyinkoodi.
– Anaga Maraykanka ah iyo qaar kale oo kamid ah Beesha Caalamku waxaan si dhaw ula shaqeyneynaa Dowladda Federaalka ah iyo maamulada gobolada ka jireyy, si isbeddel degdeg ah loogu sameeyo bulshada Soomaaliyeed.
War saxaafadeedka Safiirka Maraykanku soo sarey ayaa lagu sheegay in siyaasiyiinta Soomaalida laga doonaayo in ay dhinac iska dhigaan khilkaafka keenaya khatar siyaasadeed diiradana ay saaraan horusocod dhab ah iyada oo muhimadda la siinaayo, jebinta argagixisada, kordhinta dakhliga iyo wadaaga kheyraadka dowladaha xubnaha ka ah federaalka, dib u eegista iyo dhamaytirka dastuurka, diyaar garowga doorasho hal qof hal cod ah, wadahadal dhab ah oo lala galo Somaliland, xoojinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo la dagaalnak Musuqa.
Ugu danbeyntii ayaa lagu sheegay in shaqooyinka badan ee horyaala Dowladda Soomaaliya ee aan waxba laga qaban 30 sano ee u danbeeyey , aysan suurta gal ahayn in sanad wax looga qabto ama afar sano laakiin la iska doonayo in asaaskii guusha la asteeyo ka hor 2021, taasna waxay dooneysaa shaqo badan iyo dulqaad.
PUNTLAND POST