XOG: Sucuudiga oo Dowlada Soomaaliya ku Cadaadineysa in ay xiriirka u jarto Qadar

Safiirka Soomaliya ee dalka Sacuudiga Amb Daahir Maxamud Geelle ayaa xaqiijiyay in Dowladda Sacuudiga wafdi  usoo dirtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya si Dowladda Soomaliya ay uga dhaadhiciyaan in ay xiriirka u jarto Dowladda Qatar.

Safiirka ayaa tilmaamay in Dowlada Soomaliya iyo wafdigii ka socday Dowladda Sacuudi Arabi ay isku garan waayeen waxyaabihii la doonayay, islamarkaana Dowladda Soomaliya ay go’aan ku gaartay in aan xiriirka loo jarin dowladda Qatar taasi badalkeena laga shaqeeyo nabadeenta wadamada Khaliifka oo haatan u muuqda in ay dagaal kula jiraan dowladda Qatar.

Hadalka Safiirka Soomaliya ee Dalka Sacuudiga Geelle ayaa kusoo beegmaya xili Dowladda Sacuudi Arabia ay diiday in ay dhaqaalo siiso dowlada Soomaliya, iyadoo sharuud ugu dhigtay dhaqaalo siinta in xiriirka loo jaro Dowladda Qatar.

ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in Dowladda Sacuudi Arabia ay diiday in ay bixiso dhaqaalo loogu talagalay Dowladda Federaalka Soomaliya oo horey ay u balan-qaaday, sababta ka dambeysa ayaa lagu sheegay arintaas in Sacuudiga uu doonayo in Soomaliya ay xiririka u jarto Dowladda Qatar  oo haatan wajahaysa cadaadis kaga imaanaya qaar kamid ah wadamada Carabta.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post