Al-Shabaab oo soo bandhigay Gaari AMISOM laga gubay

Al-shabaab ayaa soo bandhigtay Gaari la gubay oo ay lahayeen Ciidamad Midowga Afrika AMISOM Kuwaasi oo dagaal ku qaaday Shalay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Shabaab waxa ay sheegeen in Gaariga la gubay ay lahaayeen Ciidamada AMISOM lagu qabtay dagaalkii ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, oo Ciidamdaa AMISOM iyo kuwo Mareykanka ah ay weerar ku qaadeen.

Saraakiil ka tirsan  Al-shaabab  oo shacabka kula hadlay degmada Bariire ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka loogu adkaaday  dagaalkii ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Laba Gaari ayaa ciidamada Mareykanka iyo AMISOM looga gubay dagaalka sida ay sheegeen shabaab, gaari Cabdi Bile ah ayaa ku basbeelay qarax lagula helay duleedka Bariire balse ciidamada Mareykanka iyo Soomaalida ayay usuurtaga gashay in ay jiitaan.

Gaariga laga gubay ciidamada AMISOM ayaa yaal deegaanka Bariire waxaana ku dhintay ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM sida ay sheegeen Shabaab.

PUNTLAND POST