Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo taliyaha Nabadsugida ayaa caawa kormeero ku maraya qaar kamid ah isgooysada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha iyo xubnaha la socdo ayaa kormeerkooda waxa ay ugu guur galayaan qaabka ay u socoto howlgalada iyo xasilinta Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa askarta kula afuray isgooyska KM4 ee Muqdisho waxaana uu socod ku maray qaar kamid ah isgooysyada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay kala shaqeeyaan dowlada sugida amniga Muqdisho ciidankana waxa uu ugu baaqay in ay si naxariis leh ugu shaqeeyaan Bulshada Soomaaliyeed.
Hoos ka Dhageyso Warbixin.


Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho