Maamulka Somaliland ayaa taageeray go’aanka Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ay sheegtay inay la mowqiftahay, midaasi oo la micno ah inay xiriirka u jareen Qadar.
Go’aankan ayaa kasoo baxay kulan aan caadi aheyn oo Golaha wasiirada Somaliland yeesheen maanta, wasiirka arrimahada dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa weriyayaasha u akhriyey go’aanka waxaana uu yahay:-
1- in Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sacuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.
2-Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Somalialnd ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Somaliland.
3-Somaliland way u madax-banaan tahay cirkeeda , dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland..
Hoos ka Aqriso Warqada.

Maamulka Somaliand ayaa sheegtay in uu ka goosatay Soomaaliya hayeeshee wali ma aasan helin wax madaxbanaani ah.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post