Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in 5 ruux aanu qabiil loogu dilay deegaanka Xawaadleey Ee Gobolka Sh/Dhexe.
Warar ay heleeyso warbaahinta PUNTLAND POST ayaa waxa ay sheegayaan in shantaan ruux ee la dilay ay la socdeen gaari nooca xamuulka qaado ah oo qudaar u soo siday Magaalada Muqdisho.
dadka la dilay ayaa waxa ay ahaayeen darawalkii Gaariga kirishbooygii iyo 3 qof oo kale oo gaarigaasi la socday.
kooxihii dilkaasi geeystay ayaa isaga baxsaday goobta ay ku dileen marxuumiintaasi .
Gobolada Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose ayaa waxaa ka dhaca dilal aanooyin qabiil ku saleeysan.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho