Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa goordhow ka dhacay Qarax ay ka bad baaday xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ah ayaa la la damacsanaa in lagu qaarijiyo Xildhibaanad Samiira oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo halkaasi mareeysay.
Hal Askari oo ilaalo u ahaa xildhibaanada ayaa halkaasi ku geeriyooday waxaana sidoo kale ku dhawaacmay qof rayid ahaa oo halkaasi marayay.
Qaraxa ayaa ka dhacay madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim oo ku taala Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir xildhibaanada ayaana ka bad baaday qaraxaasi.
Dhanka kale dableey hubeeysan oo ka kooban ilaa 4 ruux ayaa Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku toogtay ganacsade caan ah.
Ganacasadahaan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Dheere ayaa dableey ka kooban ilaa 4 dhalinyaro ah waxa ay ku dileen gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan masjidka Daawada xili uu ka soo baxayay.
Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa howlgalo amni xaqiijin ah ka wada Muqdisho waxaana xusid mudan in falal isugu jiro dilal iyo qaraxyo ah ay ka dhacaan gudaha Muqdisho.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho