Sarkaal ka tirsan Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa u sheegay post-gazette in 15 duullimaad oo Diyaaradda Qatar airways ah ay adeegsadeen Hawada Soomaaliya maalinkii shalay ahaa ilaa xaley kaddib markii Waddamada Khaliijka Carabta ay xiriirka u jareen Dowladda Qadar.
Sarkaalka ka tirsan Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa tilmaamay in hawada Soomaliya ay mari jirtay 1-diyaar maalintii inta aysan wadamada Saudi Arabia, Egypt, Bahrain iyo United Arab Emirates xiriirka u jarin dowladda Qadar.
“Hawada Soomaliya waxaa maalinkii mari jiray hal diyaarad ama 2-diyaarad inta aysan xiriirka dowladaha Carbeed u jarin Soomaliya,balse shalay oo kaliyah 15 duullimaad oo Diyaaradda Qatar airways ah ayaa maray hawada Soomaaliya”, ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya.
Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkii dublamaasi u jaray dawladda Qadar iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka.
Wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay dawladda Sacuudigu ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba.
Halkan ku Dhufo oo Aqriso Warbixinta oo wargeysku ka Qoray.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post