Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa saaka waxaa ka dhacay dibad bax balaaran oo lagu taageerayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Dadka isugu soo baxay oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa taageerayay waxqabadkii Boqolkii Maalmood ee Madaxweyne Farmaajo uu talada hayay waxaana uu ka dhacay Garoonka Stadium Koonis ee Muqdisho.
Banaanbaxaasi waxaa ka soo qeeybgalay madaxweyne Farmaajo Ra’isilwasaare Qeyre Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.
Waxaa Garoonka ku sugnaa cutubyo katirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya uu madaxweynaha Salaan sharaf uu ka qaatay.
Wadooyinka muhiimka ee Muqdisho ayaa saaka xirnaa waxaana la joojiyay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee wadooyinka ku dhow Garoonka Koonis Degmada Cabdi Casiis ee Gobolkaan Banaadir.
Hoos ka Daawo Qaar kamid ah Sawirada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho