Ciidamada Dowlada oo Howlgalo Hub ka Dhigis ah ka wada Muqdisho iyo Hub La la baxsaday

Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya Gaar ahaan ciidamo si gaar ah loo tababaray ayaa howlgalo hub ka dhigis iyo aruurin ah waxa ay ka wadaan Muqdisho.

Ciidamada ayaa guri guri u galaya qaar kamid ah xaafadaha degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasi oo baaraya hubka sida sharci darada ah u yaala.

Ciidamada Dowlada Ayaa Howlgalka ay wadaan waxa ay ku soo qab qabteen hub si sharci daro ah u yaalay xaafado katirsan Muqdisho.

Dhanka kale warar ay heshay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa waxa ay sheegayaan in Gaadiid Dagaal iyo hub farabadan ay la baxsadeen ganacsato iyo siyaasiin xilal ka soo qabtay dowladihii dalka Soo maray.

Gaadiidkaan ayaa wararka waxa ay sheegayaan in ay u jiheeysteen dhanka iyo degmada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.

Dhowaan dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday howgal culus oo hubka looga aruurinayo shaqsiyaadka aan u shaqeeynin Dowlada Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso Warbixin.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho