Ciidamo Ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar qaraxyo iyo mid toos ah ku qaaday fariisin ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbadda Hoose.
Al-Shabaab ayaa markii hore ilinka laga galo xirada ciidamada Kenya ee qeeybta ka ah AMISOM ay ku dhufteen laba gaari oo siday waxyaabaha qarxa.
Intaa kadib Al-Shabaab ayaa weerar toos ah ku qaaday saldhigaasi Milatariga ciidamada Kenya waxaana lagu soo waramayaa in uu jiro khasaaee labada dhinac ah.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi Kenya iyo Al-Shabaabna kama aanay hadlin Arintaasi.
Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday ciidamada AMISOM ee ku sugan Dalka Soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland puntland Post