Dagaal Culus oo ka socdo Gobolka Sh/hoose iyo Tuulooyin la gubay

Warar ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaliya,  dad xoolo dhaqato iyo Xarakada Al-shabaab in uu haatan ka socdo deegaanka NO:50 ee Gobolkaas.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu dabo socda dagaal maanta u dhaxeeyay dad xoolo dhaqato ah iyo Ciidamada Dowladda Soomaliya kaasi oo ka dhashay qilaaf u dhaxeeyay labada dhinac.

Gudoomiyaha Deegaanka Numbar 50 ee Gobolka Sh/hoose oo isaga oo dagaalka Toos u socdo La hadalay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa faah faahin ka bixiyay Dagaalkaasi

Ma cada Weli qasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Tuulooyinka Iyo Deegaanka KM-50 Iyadoo Uu Dagaalka Si xoogan uu u socdo.

Hoos ka Dhageyso Wareeysiga Waxaana Wareeystay Wariye Cowke.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho