Warar ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaliya, dad xoolo dhaqato iyo Xarakada Al-shabaab in uu haatan ka socdo deegaanka NO:50 ee Gobolkaas.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu dabo socda dagaal maanta u dhaxeeyay dad xoolo dhaqato ah iyo Ciidamada Dowladda Soomaliya kaasi oo ka dhashay qilaaf u dhaxeeyay labada dhinac.
Gudoomiyaha Deegaanka Numbar 50 ee Gobolka Sh/hoose oo isaga oo dagaalka Toos u socdo La hadalay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa faah faahin ka bixiyay Dagaalkaasi
Ma cada Weli qasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Tuulooyinka Iyo Deegaanka KM-50 Iyadoo Uu Dagaalka Si xoogan uu u socdo.
Hoos ka Dhageyso Wareeysiga Waxaana Wareeystay Wariye Cowke.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho