Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka Soomaaliya ayaa ka hadlay gurmad ay sheegeen in ay Gaarsiinayaan Goobaha ay Maamulaan Al-Shabaab ee Gobolada Dalka Soomaaliya.
Maxamad Dhiblaawe Casir oo Kamid ah Guddiga Gurmadka Qaranka oo Wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in farsamooyin gaar ah ay Deeqaha u gaarsiiyaan Dadka ku dhaqan goobaha ay maamulaan Al-Shabaab
Al-Shabaab ayaa gacanta ku hayo deegaano iyo Degmooyin ku yaala koonfurta , Jubboyinka, bartamaha dhulka Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in Al-Shabaab ay kal hore ka mamnuuceen deegaanadooda deeqaha ka imaanaya dowlada Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha iyaga oo dab qabad siiyay dhowr jeer deeqo gar gaar ahaa.
Hoos ka dhageyso Codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho