Gurmadka Deeqaha oo la gaarsiinayo goobaha ay maamulaan Al-Shabaab

Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka Soomaaliya ayaa ka hadlay gurmad ay sheegeen in ay Gaarsiinayaan Goobaha ay Maamulaan Al-Shabaab ee Gobolada Dalka Soomaaliya.

Maxamad  Dhiblaawe Casir  oo Kamid ah Guddiga Gurmadka Qaranka oo Wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in farsamooyin gaar ah ay Deeqaha u gaarsiiyaan Dadka ku dhaqan goobaha ay maamulaan Al-Shabaab

Al-Shabaab ayaa gacanta ku hayo deegaano iyo Degmooyin ku yaala koonfurta , Jubboyinka, bartamaha dhulka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Al-Shabaab ay kal hore ka mamnuuceen deegaanadooda deeqaha ka imaanaya dowlada Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha iyaga oo dab qabad siiyay dhowr jeer deeqo gar gaar ahaa.

Hoos ka dhageyso Codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho