Diyaarad Helicobter ah oo Lagu Soo Riday Deegaanka Kulbiyoow

Wararka ka imaanaya Deegaanka Kulbiyow dhanka Kenya ayaa ku waramaya in mid kamid ah diyaaradaha helicopterka Ciidamada Malatariga Kenya lagu soo  riday deegaankaas.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubba-land  ayaa xaqiijiyay in diyaarada ay sameynaysay Howlo roondeen ah iyo in deegaankaas ay ka difaacdo

dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo shalay weerar ku qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow.

Saraakiisha Maamulka Jubba-land  ayaa hadalkooda intaas ku daray in diyaarada qoriga baasuukaha loo yaqaano ay ku dhifteen Ciidamada Al-shabaab oo wali ku harsan deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubadda Hoose, waxaa haatan la xaqiijiyay in diyaarada ay soo dhacday.

PUNTLAND POST