Wararka ka imaanaya Deegaanka Kulbiyow dhanka Kenya ayaa ku waramaya in mid kamid ah diyaaradaha helicopterka Ciidamada Malatariga Kenya lagu soo riday deegaankaas.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubba-land ayaa xaqiijiyay in diyaarada ay sameynaysay Howlo roondeen ah iyo in deegaankaas ay ka difaacdo
dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo shalay weerar ku qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow.
Saraakiisha Maamulka Jubba-land ayaa hadalkooda intaas ku daray in diyaarada qoriga baasuukaha loo yaqaano ay ku dhifteen Ciidamada Al-shabaab oo wali ku harsan deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubadda Hoose, waxaa haatan la xaqiijiyay in diyaarada ay soo dhacday.
PUNTLAND POST