Dad ka careysan gaari ilmo yar maanta ku jiiray mid ka mid ah jidadka laamiga ee dhex mara magaalada Garowe ayaa dhagxaan ku gooyay wadada isku xirta xaafadda Wadajir iyo Waaberi, ka dib markii ay sheegeen qaar ka mid ah haweenka wadada dhagaxa ku xirayay inay dowlada hoose ee magaalada Garowe wax ka qaban wayday shilal marar badan ka dhacay wadadaan.
Jidkaan ayaa sida la sheegay maanta baabuur uu ku maray ilmo yar, wuxuuna ka mid yahay wadooyinka sida xawliga ay ku maraan baabuurtu, waxaana marar badan ka dhacay wadadaan shil dad u badan caruur ay ku nafwaayeen.
Wadada Isku xirta Xaafadaha Waaberi iyo Wadajir ayaa ah mid ka duwan qaabka ay u sameysan tahay jidadka kale eee ku yaala magaalada Garowe.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST