Dad careysan oo maanta xiray mid ka mid ah wadooyinka Garowe

Dad ka careysan gaari ilmo yar maanta ku jiiray mid ka mid ah jidadka laamiga ee dhex mara magaalada Garowe ayaa dhagxaan ku gooyay wadada isku xirta xaafadda Wadajir iyo Waaberi, ka dib markii ay sheegeen qaar ka mid ah haweenka wadada dhagaxa ku xirayay inay dowlada hoose ee magaalada Garowe wax ka qaban wayday shilal marar badan ka dhacay wadadaan.

Jidkaan ayaa sida la sheegay  maanta baabuur uu ku maray ilmo yar, wuxuuna ka mid yahay wadooyinka sida xawliga ay ku maraan baabuurtu, waxaana marar badan ka dhacay wadadaan shil dad u badan caruur ay ku nafwaayeen.

Wadada Isku xirta Xaafadaha Waaberi iyo Wadajir ayaa ah mid ka duwan qaabka ay u sameysan tahay jidadka kale eee ku yaala magaalada Garowe.

15800950_1277343152304460_1539843515_n 15801482_1277343265637782_1047387550_n 15801622_1277343062304469_2049675463_n 15801712_1277343125637796_1131433543_n 15820154_1277343182304457_1883784685_n 15870531_1277343105637798_1756108550_n 15870833_1277343138971128_1141445922_nAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST