Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Eedeeyay Qaraxyo ka Dhacay Dalka Dermark oo Xabsi La Dhigay

Maxkamada Magaalada Aarhus ee dalka Denmark ayaa amar ku bixisay in Wiil Soomaaliyeed oo da’diisa lagu sheegay 24-sano jir in xabsiga la dhigo kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa qaraxyadii laga fuliyay magaalo lagu magaacabo Jutland oo kiiska arintani maxkamada magaaladaasi  ay baaris ku heysay Muddo Afar isbuuc ah.

Qaadiga Maxkamada dalka Denmarka  oo lagu magacaabo tina rud ayaa ku dhawaaqay dacwada laxiriirta falkan xabsiga lagu dhigay  muwaadinkaan  Soomaaliyeed  waxaana uu sheegay in wali baaritaano ay wadaan.

Wiilkan Soomaaliyeed ee 24-jirka ah ayaa la soo xeray maalinimadii axada aheyd kadib markii booliiska magaaladaasi ay ku qabteen dhismo dhulka hoostiisa ah  oo ka dhisan koofurta Magaalada Aarhus ee dalkaasi Denmark.
Wiilkan ayaa diiday in uu ka soobaxo dhismaha hoose ee uu kujiray kadibna booliiska ayaa u isticmaalay gaaska dadka ka’ilmeesiiya iyadoo  markii dambe uu isku soo dhiibay.

Booliiska ayaa galay meesha ay ka soo saareen wiilkan soomaaliyeed iyagoo sidoo kale ka baadi goobay waxyaabaha qarxa laakiin ma aysan ka helin xitaa wax la xiriira arinta imika loo heesto  oo ah mid soomaalida inta badan dusha laga saaro dambiyo aynan galin.

Xabsiyada Dalalka Caalamka ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaliyeed oo lagu eedeeyay  falal burcad badeednimo, qaarkooda waxaa lagu xukumaa sanado badan oo xabsi ah dowladda Federaalka  Soomaliya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in aysan xil iska saarin in ay wax ka qabato arrimahaas.

PUNTLAND POST