Maxkamada Magaalada Aarhus ee dalka Denmark ayaa amar ku bixisay in Wiil Soomaaliyeed oo da’diisa lagu sheegay 24-sano jir in xabsiga la dhigo kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa qaraxyadii laga fuliyay magaalo lagu magaacabo Jutland oo kiiska arintani maxkamada magaaladaasi ay baaris ku heysay Muddo Afar isbuuc ah.
Qaadiga Maxkamada dalka Denmarka oo lagu magacaabo tina rud ayaa ku dhawaaqay dacwada laxiriirta falkan xabsiga lagu dhigay muwaadinkaan Soomaaliyeed waxaana uu sheegay in wali baaritaano ay wadaan.
Wiilkan Soomaaliyeed ee 24-jirka ah ayaa la soo xeray maalinimadii axada aheyd kadib markii booliiska magaaladaasi ay ku qabteen dhismo dhulka hoostiisa ah oo ka dhisan koofurta Magaalada Aarhus ee dalkaasi Denmark.
Wiilkan ayaa diiday in uu ka soobaxo dhismaha hoose ee uu kujiray kadibna booliiska ayaa u isticmaalay gaaska dadka ka’ilmeesiiya iyadoo markii dambe uu isku soo dhiibay.
Booliiska ayaa galay meesha ay ka soo saareen wiilkan soomaaliyeed iyagoo sidoo kale ka baadi goobay waxyaabaha qarxa laakiin ma aysan ka helin xitaa wax la xiriira arinta imika loo heesto oo ah mid soomaalida inta badan dusha laga saaro dambiyo aynan galin.
Xabsiyada Dalalka Caalamka ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaliyeed oo lagu eedeeyay falal burcad badeednimo, qaarkooda waxaa lagu xukumaa sanado badan oo xabsi ah dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in aysan xil iska saarin in ay wax ka qabato arrimahaas.
PUNTLAND POST