Muqdisho (Puntland Post):- Qoraal kasoo baxay Ergayga gaarka eeĀ Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalka Soomaaliya ayaa looga soo horjeestay ka mid noqoshada liiska Aqalka Sarre saddex xubnood oo ay kusoo dareen Puntland, Galmudug iyo Jubaland.
Qoraal uu ku saxiixan yahay Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya Michael Keating ayaa lagu wargaliyay Jubbaland, Galmudug iyo Puntland inay liiska ka saaraan saddex xubnood oo magacyadoodu kala yihiin Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) iyo Axmed Xaashi Maxamed.
Raggan ayaa lagu eedeeyay inay kasoo qayb galeen dagaallo ka dhacay dalka Soomaaliya ka dib bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, wallow mid ka mid ah raggan gaar ahaan Cabdi Qaybdiid, galinkii danbe ee shalay loo doortay inuu Galmudug u matalo Aqalka Sarre ee Baarlamanka Soomaaliya.
Warqadda Qoraalka ee loo diray Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wargaliyay ka hor intii aan la dooran Cabdi Qaybdiid inuusan ka mid noqon dadka maamulkaas u matalaya aqalka sarre madaama lagu haysto danbiyo la xiriira dagaaladii ka dhacay Soomaaliya.
Ma jirin cid horey maxkamad usoo taagtay xubnaha qaramada midoobay ka hortimid iyo Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo horay usoo noqday Madaxweynaha Galmudug, Islamarkaana dhowr mar ka qeyb galay shirar caalami ah, kuwaas oo uu kula kulmi jiray mas’uuliyiin ka tirsan Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.
Qaraarkan ayaa ah mid dhaliyay waydiimo kala duwan, waxaana xubnaha loo haysto danbiyo dagaal qaarkood dalka ugu danbeysay xilliyo sii horeysay sida Gen Maxamed Siciid Moorgan, Lamana saadaalin karo inay arrintani carqalad ku noqon doonto qorshaha lagu doonayo inay doorasho uga dhacdo dalka Soomaaliya.
Warkan kazoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo ka hor dib loogu celiyay Puntland, Jubaland iyo Galmudug musharaxiinta loo magacaabay inay u tartamaan dadka u matali doona kuraasta aqalka sarre ee baarlamanka Soomaaliya.
Fiiro gaar ah qoraalka hoos ku lifaaqan ayaa daba jooga qoraal hore oo loo diray Madaxda saddexda maamul, walow si gaar ah uu uga hadlayo Gen Cabdi Qeybdiid , Kaas oo lagu farayo Madaxweynaha Galmudug inuusan ku darin liiska xubnaha aqalka sarreĀ Gen Cabdi Qeybdiid oo galinkii danbe ee shalay si rasmiya loogu doortay inuu ka mid noqdo dadka Galmudug u matalaya Aqalka sarre ee Baarlamanka Soomaaliya .
Akhriso qoraalka loo diray Madaxweynaha Galmudug.
PUNTLAND POST