Muqdisho (Puntland Post):- Qoraal kasoo baxay Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalka Soomaaliya ayaa looga soo horjeestay ka mid noqoshada liiska Aqalka Sarre saddex xubnood oo ay kusoo dareen Puntland, Galmudug iyo Jubaland.
Qoraal uu ku saxiixan yahay Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya Michael Keating ayaa lagu wargaliyay Jubbaland, Galmudug iyo Puntland inay liiska ka saaraan saddex xubnood oo magacyadoodu kala yihiin Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) iyo Axmed Xaashi Maxamed.
Raggan ayaa lagu eedeeyay inay kasoo qayb galeen dagaallo ka dhacay dalka Soomaaliya ka dib bur-burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, wallow mid ka mid ah raggan gaar ahaan Cabdi Qaybdiid, galinkii danbe ee shalay loo doortay inuu Galmudug u matalo Aqalka Sarre ee Baarlamanka Soomaaliya.
Warqadda Qoraalka ee loo diray Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wargaliyay ka hor intii aan la dooran Cabdi Qaybdiid inuusan ka mid noqon dadka maamulkaas u matalaya aqalka sarre madaama lagu haysto danbiyo la xiriira dagaaladii ka dhacay Soomaaliya.
Ma jirin cid horey maxkamad usoo taagtay xubnaha qaramada midoobay ka hortimid iyo Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo horay usoo noqday Madaxweynaha Galmudug, Islamarkaana dhowr mar ka qeyb galay shirar caalami ah, kuwaas oo uu kula kulmi jiray mas’uuliyiin ka tirsan Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.
Qaraarkan ayaa ah mid dhaliyay waydiimo kala duwan, waxaana xubnaha loo haysto danbiyo dagaal qaarkood dalka ugu danbeysay xilliyo sii horeysay sida Gen Maxamed Siciid Moorgan, Lamana saadaalin karo inay arrintani carqalad ku noqon doonto qorshaha lagu doonayo inay doorasho uga dhacdo dalka Soomaaliya.
Warkan kazoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo ka hor dib loogu celiyay Puntland, Jubaland iyo Galmudug musharaxiinta loo magacaabay inay u tartamaan dadka u matali doona kuraasta aqalka sarre ee baarlamanka Soomaaliya.
Fiiro gaar ah qoraalka hoos ku lifaaqan ayaa daba jooga qoraal hore oo loo diray Madaxda saddexda maamul, walow si gaar ah uu uga hadlayo Gen Cabdi Qeybdiid , Kaas oo lagu farayo Madaxweynaha Galmudug inuusan ku darin liiska xubnaha aqalka sarre Gen Cabdi Qeybdiid oo galinkii danbe ee shalay si rasmiya loogu doortay inuu ka mid noqdo dadka Galmudug u matalaya Aqalka sarre ee Baarlamanka Soomaaliya .
Akhriso qoraalka loo diray Madaxweynaha Galmudug.
PUNTLAND POST

Qaybdiid is one of the ICC inmates, and should be there.
I believe he is the person responsible of the recurrent war at Galkacyo.
Waxaan waydiisanhayaa Qaybdiid iyo cidkasta oo kala shaqaysay Colaada Galkacyo ay si dedega Colaada u joojiyaan, Waxii Ciidan u joogana ay amar ku siiyaan inaysan xabad ridin Ciidamadoodana kararaan Galkacyo Mudug.
Qaybdiid iyo saaxiibadi sharci umalaha inay ka dambeeyaan Xaalada xun ee Galkacyo.
Waxaan kaliya dhihikaraa waa dad wax dan ah aan kulahayn, dadka ka dambeeya Colaada, iyo dhibaatooyinka Galkacyo ku nooshahay.
Waxaan kaloo ka codsan dadka Xaafada Baraxley ee Galkacyo dhashay in nabadda iyo xariir dheeraa ee wanaagsanaa ee reer Galkacyo Mudug u dhexayn jiray aysan Colaad kadooran, cidna kula talin colaad abaabula, reer Galkacyo Mudug xabaddu maaaha dantooda iyo danta ilmahooda.
Uma malaynayo in Qaybdiid iyo Cabdikariim ay ilmo iyo dan kuleeyihiin Galkacyo Mudug.
Damaca beentaa oo tuugadaa waxaa qabiilka Hawiyuhu bilaabay waqtigii Somalia ay ku Darantay ururka Carabta.
Hawiyuhu waxay Runtii samaysteen Taariikh been ah, Dal been ah,
Dhul been ah, oo kuligood ka duwan taariikhda, iyo runtii dhalashada qabiilka Hawiyaha. Waa murugo wayne markii dad istus iyo been ubareeraan.
Markii dad isku dayo gumaadka dadka yaqaan taariikhda iyo xaqiiqda Meelaha dadka Somalia dagan ay kasoo jeedaan.
Waxaanu ognahay kalimada Hawiye inay tahay Kalmad Carabi ah, mana aysan jirin Cumaan kahor.
Waxaan ogsoonahay Hawiyuhu inuu ahaa dad Badda lagasoo dajiyey oo aan wax xoolaa wadan.
Waxaan ogsoontahay in ay xoolo dhaqatada Somalia ay mraaci jireen oo Carabta ka carari jireen.
Dadkaan ay isku dayayaan Colaadda waa asal ahaan lagu abuuray dhulka maanta Somalia loo yaqaan, dhaqankooda waxaa badalay Islaamkii soo galay Somalia, laakiin baaqi ayey ku yihiin, xoolo dhaqadkoodii, luuqadoodii, dalkoodii, caadooyin badan oo waligood lahaayeen.
Luuqadaydu waa luuqooyinkii ugu horeeyey oo ruux bini aadamuhu ku hadlo, ismana badalin.
Badda Cas Kahor waxaa isu furnayne Yaman iyo Saudi Arabia, geedo badan oo Somalia kabaxa ayaad ku arki kartaa Saudi Arabia.
Badda Cas dhalashadeedii kadib xiriir dhulkeeda oo naga dhexeeyey Yamen iyo Saudi Arabia majirin.
Waqtigii Islamku bilowday sadex Qabiil oo banu Israel ah ayaa usoo haajiray Yamen, oo wali Yamen ku sugan, umana soo tilaabin dhulka Somalia.
Xoolo dhaqatada Daaroodku marna badda kama tilaabin, oo isu socod dhuleed waxaa u dambaysay dhalashadii Badda Cas (Red Sea).
Maxaa dhaliyey in Hawiyuhu taariikh beena sheegtaan, oo dhibaato galiyaan dad dagan dhulkoodii Hooyo oo lagu abuuray?
Maxaa istuska beentaa neenay. Hawiyuhu waxay sheegeen in Carabi siisay dhul Somaliyeed. ..Taasu maaha xaqooda, waa da mac iyo istus Caruuraha laysku dayey in laga dhaadhiciyo, lana Xasuuqo dadka da’ada wayne oo abtiriska yaqaan.
Loobage ayuu ahaa odaygii ugu horeeyey oo Gabar Dhuntay ilmo aan sharci ahayn kadhala, dabadeedna uu dadkeedii la raadiyo taasna waxay ahayd Calaaqaadkii noocaassa oo ay la yeeshaan dadkii dhulka loogu yimid oo daganaa. ….. Waxaan uga jeedaa maxaa dhaliyey istus ka iyo Colaada dadka lagu magacaabay Hawiyaha.