Baarlamaanka Puntland ayaa maanta soo saaray baaq ku aaddan biyaha fadhiya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, isaga oo arrintaas ku tilmaamay aafo bini’aadantinimo oo u baahan in degdeg wax looga qabto.
Golaha Wakiillada Puntland wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah ee horumarinta, deeqbixiyeyaasha iyo hay’adaha maaliyadeed in ay gacan ka gaystaan mashruuca biyo-saarka magaalada Gaalkacyo.
Goluhu wuxuu baaqay xukuumadda Puntland in ay biyo-saarka Gaalkacyo ka dhigto mudnaanta koowaad ee mashaariicda horumarineed ee dowladda, islamarkaana qaado tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo musiibadaas.
Sidoo kale Goluhu wuxuu ugu baaqay ganacsatada, culimada, qurbajoogta iyo guud shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland in ay ka qaybqaataan biyo-saarka magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale Baarlamaanka Puntland wuxuu magacaabay guddi gaar ah oo loo xilsaaray u-qareemidda, la socodka iyo korjoogtaynta dadaallada lagu hirgelinayo mashruuca biyo-saarka magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo kala:
1. Xildhibaan Cabdiweli Yuusuf Warsame – guddoomiye
2. Xildhibaan Yaasiin Jaamac Cumar – xubin
3. Xildhibaan Mowliid Abokor Caafi – xubin
4. Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi – xubin
5. Xildhibaan Cabdiqaadir Xasan Siciid – xubin.


PUNTLAND POST
