Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay gelinkii dambe magaalada Garoowe kaga qaybgalay aaska qaran oo loo sameeyay G/sare Maxamed Cali (Marduuf) oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidanka madaxtooyada, kaas oo khamiistii ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay agagaarka deegaanka Sheerbi ee gobolka Karkaar.
Sidoo kale aaska marxuumka waxaa ka qaybgalay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland Maxamed Baari Shire, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, saraakiisha ciidamada, culimo iyo qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Garoowe.

Madaxweyne ayaa tacsi u diray qoyska, ehelka, ciidamada kala duwan ee Puntland iyo guud ahaan shacabka, isaga oo Alle uga baryey marxuumka inuu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelkii iyo ummaddii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay kaalintii uu marxuumku ka soo qaatay sugidda amniga, nabadgelyada iyo difaaca Puntland, isaga oo tilmaamay inuu ka tegay dhaxal iyo taariikh wanaagsan oo lagu xusuusan doono.
Marxuum Maxamed Cali Marduuf ayaa muudo 15 sano ah ka tirsanaa hay’adaha ammiga Puntland, isaga oo hore u soo noqday taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal iyo sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka badda ee PMPF.
PUNTLAND POST
