Maydka Ugaaska Ayaa Goordhow Lagu Wadaa in laga soo Qaado Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga Waxaana lagu wadaa in laga soo Dajiyo Garoonka Magaalada Muqdisho si loogu Wareejiyo Diyaarad geeyn Doonto Maydka Magaalada Garoowe.
Intaa kadib Maydka ugaaska ayaa loo Qaadi Doonaa Magaalada Boocame halkaasi oo isla maanta lagu wado in lagu aaso.
Daahir Faarex Aadan Oo Ah Gudoomiyaha Gudiga Loo Xil Saarey Aaska Marxuumka Ayaa Ka Hadlay U Diyaargarowga Aaska Qaran Ee Loo Sameyn Doono Alle Ha U Naxariistee Marxuum Ugaas Cabdulaahi Ciise Nuur.
Guddiga Qaban Qaabada Aaska ayaa Sheegay Sidoo kale in Aaskaasi Ay ka soo qeeybgali karaan cid Walba oo Soomaali ah islamarkaasina ay soo dhoweeynayaan Qofkasta oo Yimaadana waxa ay ugu baaqeen in siyaasad iyo fikirkiisa uu meel iska dhigo Tacsida iyo Aaskana uu ka qeeybgalo oo kale.
PUNTLAND POST