Qarax Qasaare Geeystay Ayaa waxa uu ka dhacay Goob Ay ka socoto Munaasabad Aroos Ah oo Ay ka soo qeeybgaleen Dad Aad u farabadan.
Qaraxaan Ayaa waxa uu ahaa Gaari Waxyaabaha qarxa lag soo Buuxiyay Waxaana uu ka dhacay Magaalada Dhanka Koonfur ee Turkiga dhacdo oo La yiraahdo Gaziantep .
Magaalada Gaziantep Ayaa qiyaastii 64 KM oo ama 40 Miles u jirta Xadka Syria uu la wadaago Wadanka Turkiga.
War kooban oo ka soo baxay Dowlada Turkiga ayeey ku sheegtay in qaraxaan uu ahaa mid argagixiso oo dad shacab ah lagu laayay.
Ra’isilwasaare ku xigeenka Dalka Turkiga Mehmet Simsek Ayaa qaraxaan ugu yeeray mid Caawinimo ah hayeeshee waxa uu rajo ka muujiyay in laga gooleeysan doono Kooxahaan Qaraxaasi ka dambeeyay.
Dadka dhintay ayaa u badan haween ka qeeybgalayay xafladaasi arooska aheyd sida ay sheegayaan wararka rasmiga ah ee Goordhow ka imaanaya dalka Turkiga.
Qaraxyada ceenkaan oo kale ah ayaa ku soo laa laabtay Dalka Turkiga ilaa iyo iminka majirto cid sheegatay Masuuliyada weerarkaasi hayeeshee Kooxda Sheegata Qilaafada Islaamka ee ISIS Ayaa loo maleeynayaa in qaraxani ay geeysteen.
Puntland Post