Garowe dhismayaal sharci darro ah oo maanta la dumiyey

Garowe (Puntland post):- Howl-galka ka socda caasimada Puntland ee Garowe ayaa maanta lagu burburiyey dhulal iyo guryo si sharci daro ah looga dhistay gudaha magaalada, Ka dib amar kazoo baxay maamulka dowlada hoose ee Garowe.

Talaabadan oo ahayd mid todobaadyadii lasoo dhaafey laga hadal hayay Garowe inay Dowladu wax ka qabato waxa maanta fuliyay ciidanka DANAB ee howl-galka ka wada Garowe.

Goobaha la burburshay ayaa isugu jiray guri si sharci daro ah looga dhistay mid ka mid ah wadooyinka dhex mara magaalada iyo Dhismayaal laga heeraaray dhulal ku yaala Agagaarka Madaxtooyada iyo halka ay Garowe kaga yaalaan xarumaha dowlada .

Warbaahinta Puntland Post ayaa booqatay qaar ka mid ah goobihii maanta dhulka lala simay , waxaana kasoo duubnay muuqaal kooban oo ku tusaya sida looga howl-galay.

Daawo muuqaal kooban.

77 66 55 44 22 4 3 2 1Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST