PUNTLAND POSTPuntland Post
Puntland

Video article Garowe dhismayaal sharci darro ah oo maanta la dumiyey

Share

Garowe (Puntland post):- Howl-galka ka socda caasimada Puntland ee Garowe ayaa maanta lagu burburiyey dhulal iyo guryo si sharci daro ah looga dhistay gudaha magaalada, Ka dib amar kazoo baxay maamulka dowlada hoose ee Garowe.

Talaabadan oo ahayd mid todobaadyadii lasoo dhaafey laga hadal hayay Garowe inay Dowladu wax ka qabato waxa maanta fuliyay ciidanka DANAB ee howl-galka ka wada Garowe.

Goobaha la burburshay ayaa isugu jiray guri si sharci daro ah looga dhistay mid ka mid ah wadooyinka dhex mara magaalada iyo Dhismayaal laga heeraaray dhulal ku yaala Agagaarka Madaxtooyada iyo halka ay Garowe kaga yaalaan xarumaha dowlada .

Warbaahinta Puntland Post ayaa booqatay qaar ka mid ah goobihii maanta dhulka lala simay , waxaana kasoo duubnay muuqaal kooban oo ku tusaya sida looga howl-galay.

Daawo muuqaal kooban.

77 66 55 44 22 4 3 2 1Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

1 comment

  1. Somalidu waa Dad Reer Guuraa ah
    Marka Magaalada wexey udegaan sidii Duurka ey udegi jireen.
    marka Ama Guud ahaan Dawladda pl Gaar ahaan Dawladda Hoose wax siyaasad ah looma Diyaari Dhulka.
    Hadba Maalin ayaa lagu Baraarugaa halkaa haladumiyo.
    in wax Qorshe ah aan lasamayn waxa Daliil u ah, Dad ayaa Dooxooyin dhan Calaamadsaday Dadna meel ey wax ka dhistaan ayey waayeen laga yaabo iney waddanka wax ku soo kordhin lahaayeen.
    waxa iyana xusid mudan Dad Dhul laga gaday hadana dib loogu qabsado.

Leave a Reply