Gen. Maxamed Cali Samatar oo Geeriyooday (Taariikhdiisa oo Kooban)

Ala ha u Naxariistee Waxaa  Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ku Geeriyooday Marxuum S/Guud  Maxamed Cali Samatar oo Xukuumaddii milateriga ee Soomaaliya ka soo qabtey xilal sare, oo mudooyinkii dambe halkaas ku Xanuunsanaa.

Qaar kamid ah Ehelada Marxuum  Maxamed Cali Samatar ayaa warbaahinta u sheegay  in mudooyinkii dambe uu xanuunsanayay Marxuumka islamarkaana uu ku Geeriyooday Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

25-sano ka Hor Dowladii kacaanka ee dalka ka jirtay ayuu xilal kala duwan kasoo qabtay Marxuum Samatar isagoona soo Noqday  Madaxweyne Ku-Xigeen 1-aad, Ra’iisul Wasaare, iyo Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa xalay ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Taariikhiidiisa oo kooban

Ala ha u Naxariistee  S/Guud Max’ed Cali Samatar wuxuu ku dhashay magaalada Yoontooy oo u dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubba Hoose, sanadku markuu ahaa 1931dii, wuxuuna yaraantiisii ku barbaaray nolol miyi & magaalo u dhaxeysay oo u badneyd magaalooyinka Yoontooy, Goobweyn, Warkoy & Kismaayo.

Qur’aanka wuxuu ku bartay dugsi ku yaalla magaalada Yoontooy, wuxuuna Waxbarashadiisii dhameystay isagoo oo 17 jir ah, ka dib markii uu dhowr sanadood dhiganayay dugsigaasi waxaa u suuragashay in turjumaan u noqdo beeraleydii Talyaaniga aheyd & shaqaalihii Soomaalida ahaa ee u shaqeynayay.

1948dii waxa uu magaalada Yoontay kaga biiray ururkii Dhallinyada Soomaaliyeed ee “SYL” ee Gobonnimadoonka ahaa, wuxuu kaalin firfircoon ka galay xubnihii ugu firfircoonaa ee dhaqdhaqaaqaas, wuxuuna horseed ka ahaa banaanbaxyadii ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose, ee koonfurta dalka Soomaliya.

Sanadkii 1949-kii wuxuu u soo wareegay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya , wuxuuna bishii November ee sanadkii 1949-kii ka mid noqday askartii Xiisaanleey la oran jiray wuxuuna ka mid noqday qeybtii madaafiicda.