Wararka Naga Soo gaaraya Magaalada Garoowe Ee Xarunta Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas & Wafdi Uu Hogaaminayo ay Maanta ku wajahanyihiin Dalka Ethoipia.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland Ayaa inoo Xaqiijiyay in Madaxweyne Gaas uu Saacadaha Soo Socdo u safri doono Dalka Itoobiya Saaka oo Arbaco Ah.
Madaxweynaha Safarkiisa lama Shaacin waxa Uu ku saabsan yahay, laakiin waararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu la Xiriiro Arrimaha Xiriirka Puntland & Ethoipia & sidoo kalle Marxaladda Kala Guurka Soomaaliya Ee Xilligaan ka Taagan.
Dhowr jeer oo hore ayuu Madaxweyne Gaas Safaro Ceenkaan oo kale ah ku Tagay dalka Itoobiya.
PUNTLAND POSTÂ