Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Gaaray Magaalada Jig jiga ee xarunta Dowlada Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed Ayaa waxaa socdaalkaasi ku wehliyay Xubno katirsan goloyaasha Dowlada Somalia.
Xasan Sheekh Ayaa Markii uu ka dagay Garoonka Jig Jiga waxaa halkaasi ku soo Dhoweeyay Madaxwenaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar.
Xasan Sheekh Ayaa kulamo la qaatay Masuuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Qaar kamid ah Odoyaasha Dhaqanka ee Jig Jiga.
Waa Markii ugu horeeysay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tago Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee JigJiga tan iyo markii loo Doortay Madaxweynaha Somalia.

PUNTLAND POST