Saraakiisha Ciidamada Amaanka Buuhoodle oo Waqti kooban u Qabtay in Madaxweyne Cali Khaliif uu Boohoodle uga Baxo

Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Amaanka Magaalada Buuhoodle ay Waqti kooban in uu isga baxo Magaalada Buuhoodle ugu Qabtay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif galeydh.

Saraakiishaasi Ayaa Goordhow u Xaqiijiyay Warbaahinta in haddii Cali khaliif uu ku sugnaado Buuhoodle in ay Dagaal ku qaadi Doonaan islamarkaasina ay ka saari doonaan Gudaha Magaalada Buuhoodle.

Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii Cali Kahliif Galeydh uu sheegay in uu wada hadal la furay Maamulka Somaliand taasi oo ay si weeyn uga caroodeen Saraakiisha hogaamineeysa Ciidamada Maamulka Khaatumo.

Xubnaha Khaatumo Ayaa ku kala aragti duwanaaday heshiiskii Xubno katirsan Maamulka khaatumo Ay la galeen Somaliand iyaga oo masuuliyiinta qaar ay ku sheegeen in heshiiskaasi uu yahay sharci daro Somaliand-na ku eedeeyeen in ay dhul boob ka wado Deegaanada Khaatumo.

Madaxweyne Cali Khaliif oo Maanta Warbaahinta la hadlay Ayaa Soo Dhoweeyay heshiiskaasi ay khaatumo la galeeyso Maamulka Somaliand.

PUNTLAND POST