Qarax Qasaare Geeystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka dhacay Qarax Loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Jugta qaraxaan Ayaa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir  waxaana qaraxaasi uu ahaa Gaari nooca Raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay wadada Makk Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho Gaar Ahaan meel aan sidaasi uga fogeeyn Hoteelka Makka Al-Mukarama.

Goobjoogayaal Goobtaasi ku Sugnaa Ayaa Warqabadka Puntland Post ee Muqdisho u Xaqiijiyay in ay jiraan qasaarooyin soo gaaray dad rayid ah oo halkaasi ku sugnaa.

Laamaha amaanka dowlada Somalia ilaa iyo iminka kama aanay hadlin qaraxaasi ka dhacay Goor Dhow Magaalada Muqdisho.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah.

Xafiiska Wararka Puntland Post Muqdisho